Wada Hadaladii DFS iyo S/land oo ka furmaya magaalada Istanbul

January 16, 2014 - Written by Editor

slandIstanbul:-Wufuudi ka kala  socota dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa waxa maanta uu shir uga bilaabanayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana shirkan uu yahay wajigii 4 aad ee wada hadallo u soo socday labada dhinac.

Wafdiga dowladda federaalka ayaa waxaa hoggaaminaya ku ximaha wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaraanka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, halka dhinaca Somaliland uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Ajandaha shirka ayaan weli la soo bandhigin, balse waxaa lagu wadaa in gubta wadahadallada loo dhaadhaco, iyadoo labada dhinac ay ku kala adkeysanayaan mawaaqiftoodii hore ee midnimada iyo gooni isu taagga.

Wadahadallada labada dhinac ayaa soo bilowday sanadkii 2012kii, markaasoo London lagu kulmay, waxaana ka dambeeyey laba wareeg oo ka kala dhacay Imaaraadka carabta iyo Turkiga, iyadoo mar walba lagu heshiinayey in wadahadalladu sii socdaan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online