Golaha Wasiirrada DFS oo si rasmi ah lagu dhawaaqa [Video]

January 17, 2014 - Written by Editor

abdiweliMuqdisho:-Ra’iisulwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa caawa waxaa uu ku dhawaaqay  golaha Wasiirrada cusub ee DFS iyadoo munaasabada ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada  ee Villa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa sidda uu sheegay waxaa uu la tashi xukuumadiisa kala soo sameeyey Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud. Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda wasiirro horay uga tirsanaa xukuumadii hore ee Ra’iisul wasaare Saacid oo muran badan uu ka taagnaa walow uu dib marka loogu soo daray Liska Golaha wasiirad ee cusub.

Golaha Wasiirrada cusub ee caawa uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ilaa 25 wasiir, 5 Wasiirudole iyo 25 Wasiir Ku xigeen.

Hoos ka eeg Liiska Golaha Wasiirrada Cusub  ee DFS ee uu caawa ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh Axmed Maxamed

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
6.Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
7. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
8.Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
9.Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
10. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
11.Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
12. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
14. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
15. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
16. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
17. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
18. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
19. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
20. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
21. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
22. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
23. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
25. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wasiirudowlayaasha

1. Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
2. Mudane C/laahi Maxamed Nuur Wasiirudowlaha Maalliyadda
3. Mudane Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
4. Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga
5. Mudane Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka

Wasiir Ku Xigeennada

  1. C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  2. Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda
  3. Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga
  4. Mahad Maxamed Salaad Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
  5. Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka
  6. Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
  7. Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  8. C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Qorsheynta
  9. C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka
  10. Yuusuf Xeyle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta
  11. C/laahi Colaad Rooble Wasiir Ku XIgeenka Warfaafinta
  12. Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  13. Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  14. Axmed Cali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta
  15. Cismaan Libaax Ibraahin Wasiir ku xigeenka Beeraha
  16. Maxamed Axmed Tarsan Wasiir ku xigeenka Sportiga iyo Dhalinyarada
  17. C/kaafi Macalin Xasan Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha
  18. C/raxmaan Cabdi Cusmaan Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha
  19. Maxamed Ismaaciil Shuuriye Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska
  20. Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
  21. C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Wasiir ku xigeenka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda
  22. Maxamed Cali Geedi Wasiir ku xigeenka Macdanta
  23. Xasan Maxamed Jimcaale, wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
  24. Axmed Aadan Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
  25. Maxamed Axmed Kulan Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare

Hoos ka Daawo Shir Jaraa’id ee uu ku magacaabay Golaha Wasiiradda R/Wasaare C/weli Sh.Axmed Maxamed

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online