Sh. Maxamed Idiris oo xalay Muxaadaro qiimo badan ka jeediyay Masaajidka Abuu Bakar ee Nairobi.
January 17, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sheekh. Maxamed Idiris Axmed, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa xalay waxaa uu masaajidka Abuu Bakar ee loo yaqaano 6 ka, ahna masaajidka ugu weyn xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, ku qabtay muxaadaro ay dadku aad u xiiseynayeen.
Muxaadarada, ayaa cinwaankeedu ahaa MUSLIMIINTU MAXAY ADUUNKU BAREEN ? waxaana dhageysigeeda ka soo qeyb galay dad aad u badan oo masaajidka buuxiyey, kuwaasoo goor hore u soo xaadiray iney ka faa’iideystaan sheekha.
Sheekha oo lagu yaqaano aftahannimo, ayaa mowduuca uu doortay ee MUSLIMIINTU MAXAY ADUUNKU BAREEN ? waxa uu u sharraxay si cilmi ah, iyadoo dadkii dhageysanayey ay maqsuud ka noqdeen sida sheekhu ugu soo gudbiyey.
Muxaadarada oo maqal iyo muuqaal ah boggan ayaan idinku soo gudbin doonaa marka ay diyaar noqoto insha allaah.
Yaasiin Cabdi Axmed
Halgan.net,Nairobi