Wufuud kala duwan oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
January 19, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay ka soconaya qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan, (Ahmed Madoobe) iyo golaha xukuumadiisa kuwaas oo la caleema saari doono maalinta Birito ah .
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa soo gaaray siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan kuwaas oo ka kala yimid magaalada Nairobi.
Wafdi uu hogaaminayo Raisulwasaarihii hore ee DFS Pro.Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo waxaana aad loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada Kismaayo
Ciidamada kala duwan ee maamulka KMG ee Juba ayaa waxaa lagu daadiyey wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo waxaana amaanka Kismaayo wax ka sugaya ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Dhanka kale waxaa la filayaa in ay magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wufuud ka socta DFS iyo Dowlada Puntland ilaa caawa.
Cabdi Yare
Kismaayo