Xaflad lagu soo dhaweynayo madaxda cusub ee Puntland oo ka dhacday Helsinki
January 21, 2014 - Written by EditorHelsinki:-Xaflad ka dhacday magaalada Helsinki ee dalka Finland, 19kii Janaayo 2014 ayaa lagu soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Siciid Cali Shire. Xafladda waxaa soo qabanqaabiyay jaaliyadda Puntland ee magaalada Helsinki ee dalka Finland. Xafladda waxaa ka soo qaybgalay Soomaali fara badan.
Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gudiga qabanqaabada Injineer Maxamed Xasan Ibraahim. Guddoomiyuhu wuxuu sheegey in ujeedada xafladdu ay tahay taageeridda isbedelka cusub ee ka dhacay Puntland, kaasoo ahaa mid taariikhiya oo adduunka oo dhan laga soo amaaney. keddib dad isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo culumaa-udiin ayaa hadallo isugu jira soo dhoweyn, hambalyeyn, taageero iyo talooyin kasoo jeediyay xafladda.
Madaxweyne Prof. Cabdiwali oo isna khadka taleefanka uga qayb galay xafladda, ayaa jaaliyadda u mahad celiyay. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada dambe ee 2018 aysan ku koobnaan doonin baarlamaanka, balse shacabka Puntland oo dhammi uu ka qayb qaadan doono doorashada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageerada iyo ducooyinka jaaliyadda.
Ugu dambeyntii waxaa madaxweynaha loo sheegay “In madaxda cusub laga sugayo inay fuliyaan balanqaadyadoodii ay ku galeen tartankii doorashooyinka”
Helsinki
Halgan.net