Ciidanka Itoobiya oo maanta si rasmi ah ugu biiray ciidanka AMISOM
January 22, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dalka Itoobiya ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaana lagu qabtay maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo xaflad ay ka soo qeyb galeen saraakiil sare oo ka socda Midowga Afrika.
Xafladan ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Saraakiil sare oo ka socda wadamada , Burundi, Itoobiya iyo Uganda waxaana maanta magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo tiro badan oo ka tirsan Itoobiya oo ku labisan dareeska iyo astaanta lagu yaqaanno ciidanka AMISOM.
Barta ay Twitter ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan qabashada deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobalada Shabeelaaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamo gaaraya saddex guuto oo ka tirsan dalka Itoobiya ay howlgalo ka fulin doonaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo iyaga oo ka tirsan ciidanka AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net