Madaxweynaha DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee NRC

January 22, 2014 - Written by Editor

IMG_9431Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Norwegian Refugee Council (NRC) Mr Jan Egeland.

Xoghahaya Guud ee NRC waxaa ku wehliyey booqashadan Magnhild Vasset oo ah Agaasimaha mashaariicda caalamiga ah ee NRC iyo Xasan Kheyre oo ah Madaxa Geeska Afrika ee NRC.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa booqashadiina aad ku timaadeen dalka Soomaaliya, iyo howlaha muhiimka ah ee aad u heysaan shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto dhanka waxbarashada, qaxootiga iyo mashaariicda kale ee aad ka fulisaan dalka Soomaaliya. Waxaana idinku boorinayaa inaad kaalin weyn ka qaadataan barnaamijyada dowladda sida kan waxbarashada oo la doonayo in hal malyan oo carruur ah ay tagaan Iskuulada, dib u soo celinta qaxootiga iyo sidii qaxootiga dalka gudihiisa ku barakacay loogu celin lahaa guryahooda oo ay u heli lahaayeen hoy tayo leh, caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqo.”

Xoghayaha Guud ee NRC ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan dadaalada iyo kaalmada ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, ujeedadooduna tahay sidii caruurta, haweenka, waayeelka iyo shacabka ay u heli lahaayeen fursado geliya rajo oo ay dalka dib ugu dhisaan isla markaana ay uga maarmaan kaalmada dibedda.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegey in dalka Soomaaliya uu yahay qani, heystana kheyraad fara badan oo marka dalku xasilo ay Soomaalidu fursad u helayaan ay kheyraadkooda soo saartaan taasoo keenta dalka oo noqdo barwaaqo iyo bashbash.

– DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online