Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen.Siciid dheere oo ku eedeeyey qaraxii Gaalkacyo Al-shabaab [Dhagayso]
January 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa uu ku eedeeyey qaraxii ka dhacay magaalada Gaalakacyo laguna laayey dad shacab ah in ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyeyo in cid loo qabtay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo waxaan uu xusay in baaritaan ay wadaan ciidanka sirdoonka Puntland PIA iyo ciidanka Booliska.
Gen.Siciid Dheere ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan meelaha wax ka dhacaan ayna u daayaan ciidanka amaanka si looga fogaado in dadka shacabka ay dhibaato soo gaarto.
Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa xusay in amaanka guud ee Puntland uu yahay mid wanaagsan , ciidanka amniga ay wadaan howshooda waxaase muhiim ah in dadweynaha reer Puntland ay isku duubmaan ayna la shaqeeyaan ciidanka amniga.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Radio Garoowe uu la yeeshay Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere)
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/guj9g8qo4y/siciiddheere.mp3] Halkaan ka Dhagayso
M_M_Deeq
Halgan.net