Dowlada Turkiga oo ka hadashay weerar lagu qaaday xarunta safaaradeeda Muqdisho
April 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday Dhismaha Safaarada dalka Turkiga ee magaalada Muqdisho waxaana ay cambaareysay weerarka lagu qaaday shaqaalaheeda.
Warka laga soo qoray barta wasaarada arimaha dibada ee dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in labo ka mid ah shaqaalaha safaarada Turkiya ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah oo lagu weeraray safaarada dalka Turkiya ee magaalada Muqdisho
Dowlada Turkiya ayaa waxay ugu baaqday DFS in ay gacanta kusoo dhigto cidii ka dambeesay weerarkaasi lagu qaaday shaqaale Turkish ah oo wax ka dhisaayay safaarada Turkiga ee magalada Muqdisho.
Labada shaqaale ee Turkishka ah ee weerarka ku dhaawacmay ayaa waxaa lagu sheegay magacyadooda Recep Keskin iyo Muhammed Yakup Saraç waxaana dhaawacooda loo qaaday dalka Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa mashaariic kala duwan ka wada magaalada Muqdisho iyada oo dayactir kala duwan ku sameysay Isbitaalada ,iskuulada iyo qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net