Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka DFS oo lagu dilay Muqdisho
April 22, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka mar kale lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaan ka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdicasiis Isaaq Mursal xili la sheegay in uu ku sugnaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir kuna sii jeeday xarunta golaha baarlamaan ka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa waxaa dilay rag ku hubaysan Bistoolado ka dibna ku baxsaday gaari ay wateen sidda ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa oo ka dhawaa goobta lagu dilay Xildhibaanka.
Dilka Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo bilaabay baaritaano, dilka Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa waxaa uu noqonayaa Xildhibaankii labaad ee ka tirsanaa Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dilo magaalada Muqdisho mudo ka yar 48 saac
A/cawaale
Halgan.net