Maamulka Machadka-Al-furqaan ee Gobolka Sool ee Laascaanood oo Arday Shahaadooyin Gudoonsiiyay.(Video/Masawiro)
August 6, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Xafladan ayaa waxa ay ahayd mid balaadhan oo ay qabteen Maamulka Machadka Al-furqaan ee Gobolka Sool ee ku yaala Magaalada Laascaanood,waxaana Looqabtay Dufcadii 6-aad ee ka baxda Machadka, Ardaydan oo Gaadhaysa 170, Ardayda Xafladaan ayaa waxaa ka qayb galay Culimda Gobolka Sool Ganacsato Jaamacada Nugaal golaha ardayda ka Machadka Al-furqaan. Waxaa Halkaasi kahadalay Maamulaha Machadka A-lfurqaan Sh.Yuusuf Haybe Oo ka shee keeyay guud ahaan ardaydii ka baxaday iyo kuwa haatan dhigta sh,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa maanta waxaa dhiganaya Machadka Al-furqaan 570 Arday waxaana Kabaxaya 170,Oo isugu jira wiilal iyo Hablo aradydan oo dhamaysatay Sadaxsano oo Machadka A-lfurqaan ay dhiganayeen.
Waxa aya halkaas ku soo bandhigeen aqoon aad u saraysa oo dadkii ka soo qaybgalay siwayan u farax galisay taas oo Machadka Al-furqaan horeba ay ogabarteen dadka Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn Dega inuu kaalin wayn kuleeyahay Horumarinta Bulshada ,Ardaydan ayaa waxa ay akhriyeen qudbado,Gabayo Luuqadaha Carabiga Soomaaliga dhamaan dadkii aad ayay ugu qushuuceen waxaana Looqiray Culimda Bari Ee Hogaamindoonta dadka Iyo dalka.
Geesta kale waxaa halkaas qudbad Qiimo Babadan ka jeediyay Sh Maxamuud Xaliike oo ardayda Oga sheekeeyay Dadaalkii Loo soogalay sidii shacabka Soomaaliyeed diinta loo gaarsiin Lahaa Sahal kuma iman Maanta inaad Halkan Joogtaan oo aad sifudud u barataan Diinta,Ayaa kamid ahaa sh,hadaladiisa. Waxaa aradyda siwayn u dhiirigaliyay Madaxa Dacwada Gobolka Sool Sh. Axmed Maxamed Saleebaan oo ka sheekeeyay qaabkii dowaladii Soomaaliyeed ay ardayda ugu diri jirtay Halsano oo shaqo qaran ah taas oo sheekhu tilmaamay in looga baahan yahay ardayda inay dadka waxbaraan kuna laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen si dadka looga dhisayo Barashada Diinta Islaamka.
Culamadii Ganacsatadii iyo Jaamacada Nugaal Iyo Golaha ardayda kabaxday Machadka Al -furqaan dhamaantood dadkii halkaas kahadlay ayaa waxa ay si weyn ula dardaarmeen ardaydii ka baxday Machadka A-lfurqaan waxana maamulka Machadka A-lfurqaan Halkaas ka sheegay in 12- Aug 6, 2014 in labilaabi doono diiwaan galinta ardayda.
no images were found
Hoos ka Daawo Video
C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia
Halgan.net