Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.[Dhagayso]
August 7, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulan koodii caadiga ahaa iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.
Afhayeenka Ra’iisul wasaraha DF Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ayaa sheegay in ciidanka Dowladda federaalka ay fashiliyeen qaraxo ay doonayeen in ururka Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho isagoo xusay in la soo qabtay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.
Dhinac kale Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha DFS Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in dhawaan lagu soo wareejin doono gacanta DFS eedeysan ka tirsanaa Al-shabaab laguna magacaabo Xassan Xanafi oo dhawaan lagu qabtay magaalada Nairobi iyadoo lagu eedeeyey in uu fududeeyey dilala dhowr ah oo loo geystay wariyaal ka howl geli jiray idaacaddaha magaalada Muqdisho
Hoos ka Dhagayso Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo Saxaafadda la hadlay.
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/c5zppc6nkk/Afhayeenka_.mp3]A/cawaale
Halgan.net