Xafladii Qalin jabin ah oo lagu qabtay Machadka Caa’isha ee Laascaanood.[Masawiro]
August 7, 2014 - Written by EditorXaflad Ballaaadhan oo Shahaado Lagu Gudoonsiinaayey 250 Arday oo dhameysey Machadka Diiniga ah ee Caa’siha ee Magaalada Laascaanood ee Gobol ayaa Galabta Lagu Qabtay Xarrunta Mac-hadka Caa’isha Ee Magaalda Laascaanood e Gobolka Sool.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Culimada Waawayn ee Gobolka Sool Sheekh.C/Naasir Xaaji Axmed , Sh Maxamuud Maxamed Xalliike , Maamulaha Jaamacada Bariga Africa Farceeda Buhodle Cabdi Shaafi, Gudoomiyaha Dallada Ardayda Macaahida Shareecada ee Somalia ka Qalin Jabisey Dr C/Raxmaan Xasan iyo Mari Sharaf kale oo tiro badan ayaa Si aad u Qurxoon Ugu Soo dhamaatey jawi degan .
Maamulaha Machadka Caa’isha Saciid Axmed Cadar ayaa warbixin guud ka bixiyey Machadka , Isagoo sheegey in Dufcada Hada Qalin Jebisey ay Tahay Dufacadii 7 aad oo ka Kooban 250 hablood . Wiilasha oo ah 60 iyo Gabdhaha oo ah 192 Hablood , uu Sanadkan ka mid noqon doona Ardayda Machadka Al-furqaan ee Shareecada iyo Barashada iyo Culuuumta Shareecada Islaamka .
2004 /7 /1 ayey ahayd Markii laga Furey Machadka Caa’isha Magaalada Laascaanood isagoo soo saarey Arday aad u badan oo Boqolaal gaadheysa (Ku Dhawaad 1000 ) Arday. Macahdka waxaa dheer Isagoo ardayda bara fursado Shaqo oo ay dumarku U Baahan yihiin .
no images were found
Ahmed Said
lascanod,Somalia