Madaxweynaha DFS oo caawa soo gaaray magaalada Nairobi
September 1, 2014 - Written by EditorNairobi:-Madxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaan halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dowlada Kenya iyo Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa la filayaa in maalinta birito ah uu ka qeyb galo shir ka dhacaya magaalada Nairobi kaas oo looga hadli doono wax ay reer galbeedku ku sheegaan arrimaha argigixisada ee khatrta ku haya Afrika waxaana ka soo qeyb galaya madaxda wadamada Afrika.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo la hadlay warbaahinta DFS ayaa waxaa uu xaqiijiyey in madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibada ay shirka birito ka qeyb gali doonaan.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku sugan magaalada Nairobi waxaana socdaalkiisa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madax kale .
A/Cawale
Halgan.net