AlShabaab oo iska baxay deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud
September 3, 2014 - Written by EditorCeelbuur:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaa deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul oo hoos-taga degmada Ceelbuur ka dib markii ay isaga baxeen Alshabaab.
Deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul oo hoos-taga degmada Ceelbuur ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ururka Al-Shabaab waxaana ay ka baxeen markii ay soo duldageen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Taliyaha ciidanka ee degmada Ceelbuur G/sare Maxamed Kaahiye Carraale ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho inay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay haatan gacanta ku hayaan Deegaannada Ceel-la-helay, Ceel Qooxle iyo Maalin Nugul ayna baaritaano ka wadaan.
Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay deegaanada ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM
A/Cawale
Halgan.net