Golaha wasiirada DFS oo xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Nabad sugida
September 7, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Golaha wasiirada ee DFS ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay xilka uga ka qaadeen Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabad sugidda ee DFS Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Kulanka ay maanta isigu yimaadeen Golaha wasiirada ee DFS ayaa waxaa shirgudoominayey Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed waxaana sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay xil gudasho la,aan golaha wasiirada DFS ayaa waxaa ay horey xilka uga qaadeen Bashiir Goobe Agaasimihii hore ee Nabad sugida.
Xilka laga qaaday Agaasimihii guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka DFS Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa waxaa uu ku soo aaday xili weerar lagu qaaday Godka Jilicow waxaana weerarka ku dhintay 11 qof ay ku jiraan 7 ka mid ah Al-Shabaab ee soo weerartay godaka Jilicow.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net