Aabe Soomaaliyeed oo Wiil uu dhalay uu ku biiray Kooxda Daacish.[Dhagayso]
September 15, 2014 - Written by EditorMinneapolis:-Aabo Soomaaliyeed oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da magaciisan ku koobay Maxamed ayaa u sheegay in wiilkiisa uu ka tagay magaalada Minneapolis kuna biiray ururka Daacish ee Syria. Wiilkaas oo 19-jir ahaa ayaa ku noolaan jiray magaalada Hamilton ee dalka Canada,wiilkan ayaa lagu magacaabaa Maxamud Maxamed. Aabe Maxamed wuxuu sheegay in willkiisa uu tagay Syria laba bilood ka hor, isagoo sii maray dalka Turkey.
Aabaha ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay markii uu ogaaday in wiilkiisu uu ku biiray kooxda Daacish ee Syria oo uu ku tilmaamay koox aan Islaam ahayn.Harun Macruf oo ku sugan Minneapolis ayaa Aabe Maxamed la kulmay wareysina la yeeshay. Halkaan ka Daawo Sh Cabdiraxmaan Abyad oo ka hadlay xaalada dalka Syria
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Aabe Maxamed
Source VOA