Ra’iisulwasaaraha DFS oo lagu wado in uu gaaro dalka Norway
September 19, 2014 - Written by EditorRa’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu gaaro magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway waxaana uu casumaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Norway.
Afhayeenka DFS Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa saxaafada u sheegay in shirka ka dhacaya Norway looga hadli doono sidii dowlada Norway ay gacan uga geysan lahayd dhib u dhiska iyo harumarka dalka Soomaaliya.
Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway
C/Casiis Maxamed
Halgan.net