Madaxweynaha DFS oo sheegay in ay kala aragti duwan yihiin Raisulwasaaraha DFS (Dhageyso)
September 27, 2014 - Written by EditorMadaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu jiro kala duwanaansho xagga fikirka ah oo kala dhaxeeya Ra’isul wasaaraha dowladda Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.
Madaxweynaha oo VOAd siiyay wareysi gaar ah isagoo ku suggan Magaalada New York oo uu kaga qeyb galayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo ra’isul wasaaraha uusan gaarsiisneyn heer culus, wuxuuse sheegay in sida uu hadalka u dhigay ay ku xalin doonaan khilaafkooda iyagoo u maraya shuruucda u degsan dalka iyo dhaqanka Somalida.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa wareysiga sidoo kale kaga hadlay dhowr arimood oo ku saabsan xaaladda Somalia ay mareyso, dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha ban’aadminimada.
Weriyahayaga Daauud Aweys oo haatan jooga New York ayaa ugu hirrayn madaxweynaha weydiiyey in dawladdiisu haysato waqti ku filan oo lagu fuliyo hawlaha dhiman ee ay ka midka yihiin dhinaca amniga, iyo guddiyada federaalka ka hor doorashada 2016-ka.
VOA Somalia
Halgan.net