Loolan Siyaasadeed oo xasaasi ah oo ka socda magaalada Muqdisho.
November 5, 2014 - Written by Editor
Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee DFS uu marayo meel xasaasi ah waxaana ka socda Hotelada magaalada Muqdisho kulamo iska soo horjeeda.
Taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha DFS Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isigu jira xildhibaano iyo wasiiro ayaa shirar kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana kulan ay yeesheen maanta ku taageereen Raisulwasaare Cabdi weli isku shaadheyntii uu ku sameeyey golaha wasiirada.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu taageeray hadalkii Amb. Nicholas Kay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaaliya ee uu uga digay xildhibaanada in ay laaluush ku ridaan xukuumada DFS.
Qaar ka mid ah xildhibaanada DFS oo ka hadlay kulankii lagu taageerayey Raisulwasaare Cabdiweli ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha DFS in uu soo abaabulayo Mooshin ka dhan ah Xukuumada DFS.Xildhibaanada la fikirka ah Raisulwasaare Cabdi weli ayaa tiradooda lagu sheegay 108 xildhibaan.
Dhanka kale Xildhibaano iyoWasiiro taageersan Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa ay maanta kulan ku yeesheen Hotelka Naasa-Hablood waxaana ay wadaan Mooshin ka dhan ah Raisulwasaare Cabdiweli waxaana tiradooda lagu sheegay 165 xildhibaan.
Loolanka iyo hardanka siyaasadeed ee u dhexeeya Raisulwasaare Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan la aqoon halka ay ku dhamaan doonto balse waxaan shaki ku jirin in dowladaha dariska iyo beesha caalamka ay lug ku leeyihiin shidada dalka iyo in Soomaaliya aysan marna caga dhigan.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

