Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Mr.Leif Newman (Masawiro)

November 8, 2014 - Written by Editor

IMG_5277Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe gaar ahaan Xafiiskiisa ku qaabilay Madax Xafiis Goboleedka Diakonia Mr.Leif Newman (Diakonia Regioanl Manager) iyo saraakil katirsan hay’adda Diakonia.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Mr.Leif Newman wada qaateen ayaa waxa uu ku saabsanaa Qorshe Howleedka ay ka fulin doonto Hay’adda Diakonia Puntland afarta sano ee fooda inagu soo haysa (2015-2018).

Hay’adda Diakonia ayaa sheegtay in Barnaamijyada Horumarineed ee Puntland ka fuliyeen ay qeyb ka yihiin  hirgelinta 29-iskuul iyo aqalada martida waxana sidookale ay sheegen in ku dhowaad 1200-oo qoys ay quudiyaan hada,islamar ahaantaana ay rajeynayaa mustaqbalka dhow intiradaasi wax badan iska badeli doonaan oo ay kor u qaadaan taakuleynta ay la garab taagan yihiin Shacabka Puntand.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka codsaday hay’ada Diakonia in Barnaamijyada horumarineed ay gaarsiiyaan Gobolada Sool,Sanaag,Ceyn iyo Haylaan,iyagoona u gaarsiinaya sida ay Gobolada kale ee Puntland u gaarsiiyeen Barnaamijyadooda Horumarineed,sidookalana waxa uu Madaxweynuhu codsaday  in shaqaalaha hay’addaasi ee 20-kii sano la shaqeynayey tixgelin siiyaan .

Madax Xafiis Goboleedka Diakonia Mr.Leif Newman oo ka jawaabtay codsiga Madaweyne Gaas ayaa waxa uu sheegay in Gobolada Bari iyo Nugaal hada ay kawadaan Gargaar islamar ahaantaana Gobolada Sanaag,Sool,Ceyn iyo Haylaan iyana ka simi doonaan barnaamijyada iyo Mashaariicda ay kawadaan Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online