Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood
November 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Shacabweyna Puntland iyo Eheladii iyo Aqribadii uu ka dhintey Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood oo maanta markii ay saacadu ahayd 11kii barqanimo ku dhintey Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug
Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood Alle ha u naxariistee ayaa wuxuu ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo Aasaasayaashii Dowladda Puntland.ugaaska oo in mudaa ugu maqnaa dalka Pakistan xaalad caafimaad owgeed ayaa wuxuu ku dhintey da’da 70 jir
Ugu Danbeyntii.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mar labaad wuxuu uga tacsiyeeyey Ummada Soomaaliyeed Shacabka Puntland iyo Eheladii uu ka dhintey Ugaas Axmed Ugaas Mxamed Cali Geesood geerida naxdinta leh ee ku timid ugana baryey Ilaahey Cafis iyo in uu Jano Fardowso galiya Ugaas
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland