Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Kormeeray Isbitaalka Guud iyo MCH ka Qardho
November 11, 2014 - Written by Editor
Qardho:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Sadiq Enow ayaa kormeer ku tagay isbitaalka Guud ee Magaalada Qardho iyo MCH asagoo u kuurgalaya Xaalada Caafimaad ee ka jirta Gobolka.
Wasiirka ayaa Booqday dhamaan Qaybaha uu ka koobanyahay Isbitalka asagoo la kulmay dhamaan shaqaalaha iyo Bukaanka Jiifa isbitaalka.
Wasiirka ayaa warbixino ka dhagaystay madaxda wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka karkaar iyo Maamulka Isbitaalka waxayna wasiirka u sheegeen in Isbitaalka qardho uu helay qalab tayo leh mudadii uu hormuudka u ahaa wasaaradda.
Dr. Saadiq Enow oo ka warbixnayay safarkiisa ayaa waxa uu sheegay in ujeedka Booqashadiisa Magaalada Qardho ay ahayd in isbitaalka magaalada Qardho ay ku wareejiyaan Qalab Caafimaad oo ay ugu deeqday wasaaradda Caafimaadka Puntland, Sidoo kale in Shaqadiisa uu ku wareejiyo isuduwaha caafimaadka Gobolka karkaar Liibaan yuusuf Axmed Khayr oo dhowaan loo magacaabay xilkaas kadib markii uu ka geeriyooday Booskaa Allah u naxariistee Dr. Yaasiin Axmed Xaaji iyo inuu kormeero Xaaladda Caafimaad ee Gobolka sida Isbitaalka, Xarunta MCH ka iyo Xarunta wasaaradda Caafimaadka.[nggallery id=88]
Socdaalka wasiirka Caafimaadka uu ku yimi magaalada Qardho ayaa qayb ka noqonaysa socdaalo uu ku marayay Gobolada Bari iyo Karkaar oo uu ugu kuurgalayay Habsami u socodka Shaqo ee Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolada Puntland mana ahan markii ugu horaysay ee uu wasiirku kormeero Howlaha caafimaad ee gobolka ayadoo tan ay tahay Booqashadiisa labaad ee uu ku yimaado Magaalada.
Hoos ka Daawo Socdaalka Wasiirka Caafimaadka Puntland oo booqday Isbitaalka Guud iyo MCH ee Qardho
Daauud Maxamed Xasan
(Daauud Giirow)

.gif)

