Sarkaal ka tirsan DFS oo lagu dilay agagaarka Ex-kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho

November 13, 2014 - Written by Editor

dilMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow lagu dilay agagaarka Ex-kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo wiil uu dhalay .

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Dhexe Daahir Barre Maxamed waxaana la socday wiil u dhalay oo la yiraahdo Yoonis Daahir oo isagana ku dhintay weerarka

Weerarka ayaa waxaa geystay koox hubeysan waxaana ay isla markiiba ka baxsadeen goobta .ciidanka DFS ayaa soo gaaray wax yar ka dib goobta lagu dilay Gaashaanle Dhexe Daahir Barre Maxamed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dilalka iyo gumaadka ay ku heysay shacabka Muqdisho dib u bilaawday iyada oo ka faa,ideysaneysa khilaafka ka dhex aloosan madaxada DFS oo saameeyey ku yeeshay hey,daha DFS.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa in mudo ah ka nastay dilalka iyo qaraxyda kooxda Al-Shabaab ka dib markii laga saaray magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow .

72-dii saac ee u dambeysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro kala duwan ay geysanayaa kooxda Al-Shabaab iyada oo weerardaas lagu dilay masuuliin ka tirsan DFS iyo dad rayid ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online