Madaxweyaha DFS Xassan Sheekh oo soo dhaweeyey dhismaha Maamulka Koofur Galbeed
November 19, 2014 - Written by EditorCopenhagen:-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud, wuxuu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya. Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden.
Madaweynaha JFS wuxuu kale oo uu ku talinayaa in la saxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuu Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan iyaga oo ilaalinaaya xaquuqda dhammaan dadka degaankaas ka soo jeeda iyo in laga wada hadlo habka ka wadaqeyb galka iyo in ay sii wadaan isla tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.
DHAMAAD