Muxaadaro ku saabsan Danbiyada waaweyn oo lagu qabtay Gaalkacyo
November 20, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Masjidka Ramadaaan ee Xaafadda Garsoor ee magaalaga Gaalkacyo ayaa waxaa lagu qabtay muxaadaro ay ka soo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada ku nool Gaalkacyo yadoo muxaadaradu bilaabatay Salaadii Makhrib ka dib. Muxaadarada ayaa waxaa soo jeediyay Sh.Cabdicaziiz Axmad Aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu ka hadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada.
Shiikh Cabdicaziiz wuxuu sheegay in danbiyada waawayn ay keenaan labo arimood oo ah in waajib laga tago ama macsi la kasbado , waxaana uu intaas ku daray in danbiga wayn uu yahay wixii nacaladi ku soo aroorto ama xad ka waajibo ama care alle iyo cadaab waajibiya.
Dhanka kale Sh.Cabdicaziiz wuxuu ku dheeraaday qaybaha Kabaairta waxaana uu sheegay in kabaairtu ay u qaybsamaan labo qaybood oo kal ah mid ah xaqu laah iyo xaqu aadami , waxaana uu intaas ku daray in loo qaybiyo afar qaybood oo waawayn oo kala ah :-
1-Dunuubta Boqornimada sida: Cibaadada , Xukunka ,Khasbidda iyo wax walba oo Alle gaar la yahay.
2-Dunuubu Shaydaanimada Sida: Xad gudubka , islawaynida IWM.
3-Dunuubta Bahalnimada Sida: Dilka , Dhagarta IWM.
4-Dunuubta Xayawaanimada Sida: Dharjinta Caloosha iyo Farjiga.
Ugu danbayntii waxaa uu Shiikhu ku soo gaba gabeeyay Muxaadarada Siddii lagu daaweyn lahaa ama looga bixi lahaa Danbi yada waaweyn waxaana uu sheegay in loo baahanyahay Tawbo Nasuuxa ah oo laga helay Shuruudeedii (Danbiga in laga boxo , Laga Shalaayo , in uu goosto in uusan dib danbe ugu noqon) , iyo in Alle loo noqdo , Qofku in uu Carabkiisa iyo Xubinkiisa taranka Ilaaliyo , iyo in loo istaago Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda.
Si kastaba ha ahaatee Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qayb ka tahay Muxaadarooyin Isbuucii mar la qabanayo looguna tala galay in lagu Cusboonaysiiyo Boorkana looga qaado Iimaanka Bulshada.
Cabdulaahi Sahal Maxamuud
Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)