Al-shabaab oo sheegtay Masuuliyada weerar ka dhacay Degmada Mandheera
November 22, 2014 - Written by EditorMandheera:-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaanka Arabia ee duleedka degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Masuuliyada weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab waxaana weerarka ku dhintay 28 qof oo dhamaantood ahaa Kenyaan.
Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Mandheera Elvis Korir ayaa waxaa uu xaqiijiyay in rag hubaysan ay bas ka baxay Degmada Mandheera ay wadada u galeen gaar ahaan deegaanka Arabia iyo degmada Mandheere ayna laayeen 28 qof.
Arbacadii la soo dhaafay ayaa koox hubeysan waxay sidoo kale ku dhaawaceen labo qof oo rayid ah ka dib markii bam ku qarxiyeen.
A/Cawale
Halgan.net