Ciidanka DFS oo howlgalo ka sameeyey deegaano ka tirsan Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan
November 26, 2014 - Written by EditorHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS ay saaka howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan
Howlgalada saaka ay ciidanka DFS ka sameeyeen deegaano ku xeeran Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay ciidamda gacanta ku soo dhigeen 10 ruux kuwaas oo looga shakisan yahay in ay yihiin kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada melatariga ee DFS ee Degmada Maxaas Maxamed Muumin Saneey, ayaa sheegay in ay howlgalada fuliyeen ka dib markii dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxaas ay ka soo cawdeen xubno ka tirsan kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab kuwaas oo hanjabaadyo ku haya qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxaas.
Maxamed Muumin Saneey Taliyaha ciidamada melatariga ee DFS ee Degmada Maxaas ayaa sheegay in 10 qof ee la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano cidii lagu helo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab cadaalada la horkeeni doono.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa laba maalin ka hor ku dilay duleedka Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan askari ka tirsan DFS iyo qof rayid ah .
A/Cawale
Halgan.net