Xeer Ilaaliyaha guud ee DFS oo eedeyn u jeediyey ciidanka nabadsugida ee DFS.

January 29, 2015 - Written by Editor

Axmed-Cali-DaahirMuqdisho:-Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa maanta eedeyn culus u soo jeediyey ciidanka Hay’adda Nabad Suggida DFS wuxuuna sheegay in ciidanka nabad sugida in ay ku xadgudbaan xuquuqda maxaabiista ku xiran xabsiyada ay gacanta ku heyso DFS.

Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaa uu sheegay in maxaabiista qaar ka mid ah ay ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysteen jirdil iyo xadgudub. Xeer Ilaaliyaha Guud ee DFS Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxaabiista qaar ka mid ah ay ciidanka nabadsugida u ka xeystaan guryo ku yaal magaalada Muqdish ka dibna loo geysto xadgudubyo kala duwan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee DFS Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay haatan ay baaritaano kala duwan wadaan ayna wax ka qaban doonaan xad-gudubyada ka dhanka ah maxaabiista. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee DFS ayaa wuxuu ka qeyb galay barnaamijka Dood wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal.

Dhanka kale Hay’adda Human Rights Watch ee ku hadaaqda in ay dhowrto xuquuqda bini’ aadamka ayaa maanta soo saartay war-murtiyeed ay ku eedeyneyso ciidanka DFS, AMISOM iyo Al-shabaab in
ay geystaan xadgudubyo kala duwan oo ka dhan xuquuqda Insaanka.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online