Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.[Masawiro]

February 21, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa xarunta Villa Soomaaliya maalintii shalay ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axme Maxamed Islaan Axmed Madoobe. Kulanka 2-da Masuul ayaa wxaaa uu ahaa is xog waraysi iy wada tashi ku aadan xaalada dalka Soomaaliya uu marayo iyo isbedelka cusub uu ku dhacay hogaanka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu mahad celiyey Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa sidda gaarka ah ay ugu heelan yihiin ugana soo shaqeeyeen is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axme Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku yimid magaalada Muqdisho si uu ka qayb galo xaflada caleema saarka ee loo samaynayo Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu caleema saari doonaa Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxaan ka soo qayb geli doona Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada iyo Madax ka tirsan IGAD.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online