Qarax Weyn oo ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir (Masawiro+Video)

February 19, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Qarax khasaaraha badan u geystay dad rayid ah kaas oo maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa soo abaabulay kooxda caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab waxaana ay qaraxa u adeegsadeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu qarxiyey Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa cadawtinimada ah ku dhintay in ka badan ku 30 Qof oo rayid ah halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka ee DFS.

Qaraxa ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ku aadiyeen xili goobta ay tahay mid aad mashquul u ah oo maqaaxida ay dad badan ka cunteynayeen waxaana sidoo kale goob u dhaw lagu iibinayey qaadka oo lagu ibtileeyey cunstiisa qaar ka mid ah Soomaalida.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, waxayna dadkii dhaawaca ahaa u qaadeen Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul waxuu cambaareeyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdsho kaas oo ay ku nafwaayeen dad badan oo rayid ah.

Hoos Ka Daawo Qaraxii ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

A/Cawale
Halgan.net
Xuquuq Masawirada Goobjoog FM

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online