Quraanku waa salka iyo baarka, bilowga iyo dhammaadka aqoonta ! W/Q Sh Dr. Abdulqani Hussein-Beder

February 3, 2017 - Written by Editor

Dhacdooyinka ummadihii hore ee quraanku soo tebiyey waa dhigaalka taariikheed ee ugu kalsoonida badan adduunka, Sida cilmiga la yidhaahdo “cilmal Isnaad” ee axaadiista Nebiga lagu shaandheeyeyba u yahay cilmiga ugu sugnaanshaha badan ee ilaa imika aadanuhu u adeegsaday shaybaadhinta wararka iyo dhacdooyinka.

Maurice Bucaille (Moriis Bookay) – Dhintay 1998- waxa uu ahaa professor jiitay oo ku caan baxay takhasuskiisa xeesha dheer ee qalliinka, waxa madax looga dhigay koox dhakhaatiir ah oo loo xulay inay baadhitaan caafimaad iyo dib u hagaajin ku sameeyaan bakhtigii Fircoon oo bilowgii sideetameeyadii laga qaaday dalka Masar lana geeyey dalka Faransiiska.

Bakhtiga Fircoon waxa si wayn oo heer qaran ah loogu soo dhoweeyey dalkaas Faransiiska, madaxweynihii dalkaas François Mitterrand (Faransiis Miitaraan), ayaa ku qaabilay sallaanka dayaaradda, isagoo salaan madaxeed halkaas ku siiyey Fircoon, sidoo kalena waxa loo riday 21 madfac oo soo dhoweyn ah, waxaana si wayn loogu gelbiyey goobtii loogu talo galay inuu martida ku ahaado inta uu Faransiiska joogo !

Soo dhoweynta noocaas ah iyo waxa looga jeedo yeelkadeede, ninkaas dhakhtarka ah ee loo xilsaaray inuu bakhtigaas haragiisa dib u dhab dhabo, waxa uu la kulmay wax la yaab leh oo u qaadan waa ku ahayd !.

Caalimkaasi waxa uu ogaaday in maydkan lafahiisu burbursan yihiin, guudkiisana aanay wax nabaro ahi ka muuqanin, waxa uu sheegay in sidan ay ku dhici karto uun qof ay mawjado biyo ahi garaaceen!

Aad buu ogaanshiiyihiisaas ugu farxay, waxaanu isu arkay nin xog la yaab leh oo taariikheed daaha ka fayday, waxase dhegta loo saaray in kitaabka muslimiinta ee Quraanku arintan wax ka sheegay, ma rumaysan, su’aalo iyo dood adagna wuu geliyey suuro galnimada warka loo sheegay.

Ka dib waxa uu kutubta taariikhda ka dhex raadiyey cid sheegtay boqorkani sida uu u dhintay, markuu waxba soo waayey, ayuu kutubta samaawiga ah u laabtay bal inuu wax raad ah oo tibaaxaya helo sida Fircoon bakhtigiisa loo dhowray ilaa maanta amaba jidhkiisa loo badbaadiyey?

Inkastoo kitaabka Injiil lagu xussay in ciidankii Fircoon iyagoo Nebi Muuse –CS-eryanaya badda ku halaagsameen, haddana muu helin sida fircoon bakhtigiisa loo soo helay ee jidhkiisu u badbaaday.

Ka dib waxa uu baadhitaan qoto dheer ku sameeyey quraanka oo uu horena waxa uga bartay, waxa uu raadsaday kitaab quraan ah waxaanu farta saaray aayadihii ka sheekeenayey in mawjadaha baddu dhabanaaniyeen oo halaageen Fircoon iyo ciidankiisii, aayadda la yaabka noqotay ee sababtay inuu Moriis Bookaay islaamo oo shahaadataynka loo qabtaa waxay noqotay aayaddan:

{فَالْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ۚ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ النَّاسِ عَنْ آيَاتِنَا لَغَافِلُونَ (92}يونس.

{Maanta ayaannu jidhkaaga badbaadinaynaa si aad kuwa kaa danbeeya aayad lagu cibro qaato ugu noqotid ! In badan oo dadka ka mid ahina waxay mooggan yihiin aayadahayaga}

Moris bookaay, tani waxa ay geyeysiisay, inuu kacaa-fadhiisto, in jidhkiisu dubaaxiyo oo qalbigiisu gariiro, ugu danbeynna waxa caan baxday odhaahdiisa: “Quraanku waxa uu ka sarreeyaa heerka aqooneed ee caalamkan oo dhan, wuxuu ka sarreeyaa heerka aqooneed ee culimada qarniyada soo socda, wuxuu ka sarreeyaa heerkayaga aqooneed ee wakhtigan cilmigu hore u maray, qarniga aqoonta ee 20aad—”

W/Q Sh Dr. Abdulqani Hussein-Beder

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online