Gudiga Jimciyadda Wanaag Faridda iyo Xumaan reebida oo baaq u jeediyey shacabka Soomaaliyeed.[Masawiro/Video]

May 26, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Gudiga sare ee Jimciyadda wanaag farridda iyo xumaan reebidda Puntland oo Garoowe shir jaraa’id ku qabtay ayaa ugu baaqay walaalaha Muslimiinta ah inay ka qayb qaataan afurinta walaalohooda aan awoodin inay afuuraan ee Garoowe ku sugan. Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Maxamed Xamari oo kamid ah gudiga Jimciyadda ayaa waxa ay soo bandhigeen qaabka loo quudinayo walaalaha la afurin doono sanadkaan, ciidsiinta dadka tabaalaysan iyo agoonta iyo qaybinta sakada.

Hoos ka Akhriso baaqa Jimciyadda wanaag farridda iyo xumaan reebidda.



AFURI WALAAKAAGA SOOMAN

Ma ogtahay ajarka laga helo marka la afuriyo qof sooman ?

Haa ; markaad afuriso qofka sooman waxaad leedahay ajarkiisa oo kale

Hadaba ku afuri walaalkaaga sooman maalintii Malitii $ 3doolar

Dhammaan Muslimiinta jecel in ay la baxaan hantida Alle siiyey bisha barakaysan ee Ramadan, dhammaan dadka jecel in ay afuriyaan walaalahooda a Sooman ,oo aan haysan waxay ku afuran Waxaa lala socodsiinayaa in Jamciyadda alamrubilmacruf wannahi canilmunkar ay qorshaysay in ay uruuriso lacagaha iyo raashinka ay bixinayaan walaalaha jecel inay ka qayb qaataan afurinta walaalahooda sooman oo aan haysan waxay ku afuraan bisha Ramadan ee barakaysan, qorshahaan waxay jamciyaddu samaysaa sanad kasta waxaana loo yaqaan “AFURI WALAALKAAGA SOOMAN”. Malitii $ 3doolar

Haddaba walaalaha danaynaya inay Alle ugu dhawaadaan afurinta walaalahooda sooman waxay ku soo aadin karaan lacagta ay la baxayaan:

Ama Golis account = 401229 account = E dahab 44844

Ama sahal 7744524 / 7724462 / 7746674

Ama akoon -676977- dahabshiil -1831

Walaalayaal, innaga oo dareensan ajarka faraha badan oo la gahelayo afurinta walaalkaaga sooman ayaa waxaa laga codsanayaa walaalaha in ay qayb lixaadle ka qaataan shaqadan. Jamciyaddu waxay diyaarisay sidoo kale dhammaan agabkii, qalabkii ay ku afuri lahaayeen dadkaasi, iyadoo sidoo kale diyaarisay dadkii raashinka samayn lahaa iyo xarumo loogu talagalay inay dadkaas ku afuraan.

Wixii faahfaahina oo arintaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa guddiga hawsha oo kala ah:-

1.Yaasiin Cabdullahi Cali 7 724462
2. Jaamac Siciid 7 754585
3. Maxamed Xamari 7 746674
4. farax cabdi jamac 7746375
5. Sh.Cabdi xirsi cali botaan 7746832

Email afuriwalaalkaagasooman@gamail.com
00252-5-843583

Hoos ka Daawo Baaqa Gudiga Jimciyadda Wanaag Faridda iyo Xumaan reebida

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online