Madaxweynaha Puntland, Jubaland Iyo Galmudug oo Si WadaJira Baaq Nabadeed Ugu Diray Shacabka Gobolka Mudug

May 30, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta 30 May 2017 shir Jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Cadaado waxa ay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay kawadda shaqeeyaan nabada , horumarka, iyo deris wanaaga.

Kahor shirka Jaraa’id ayaa waxay ay lug ku mushaaxeen wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado halkaasi oo ay si kalsooni leh gacanta ugu haadiyeen shacabka magaaladaasi, waxaana laga dheehanayey wejiyada shacabka kuwo ay soo jidatay ficilka wanaagsan ee ay ku dhaqaaqeen madaxdoodu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah,isla dhashay, derisa, dhuldaaqsimeed waddale, horumar iyo wadda shaqayn buuxdale, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaansidii ay u ilaashan lahaayeen xasiloonida iyo nabada ay maanta ku naaloonayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si degdega loo furo ama loo baneeyo wadooyinka kala xidhan ee magaalada Gaalkacayo si ay ufududaadaan isu socodka dadka walaalaha ah ee wadda degan, waxaana uu sheegay in taasi ay shacabka u horseedayso Isfahan, wadda shaqayn iyo inay dareemaan nasteexada iyo naruurada ay leedahay is garabsiga dadka walaalaha ah.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dhuldaaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac ee had iyo jeer ka yimaado khilaaf ku ay tahay laga maarmaan in xal laga gaadho,si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada degaanada daaqsimeedka ah, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu sheegay inay tahay muhiim in gobolka Mudug loo sameeyo ciidan isku dhafa oo ka shaqeeya sugida amniga gobolkaasi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel nabada iyo Soomalinimada, isla markaana had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaan horumarka iyo nabada si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walalo ah oo xigaala, waxaana uu ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaada gobolkooda, taasi oo uu xusay inay kutahay degaanadooda caqabad iyo masiimo aan xal lahayn maadaama ay ku nafwaayayaan muwaadin Soomaliyeed oo muslina.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacayo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqada koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee Cadaado kaga qayb galay caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ugu danbayn maanta gelinkii danbe kusoo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online