Madaxweynaha Puntland oo safar ugu Ambabaxay Dalka Ingiriiska (Masawiro)

May 6, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 06 May 2017 safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo uu 10 May 2017  ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb gelayaan Madaxdda DFS iyo Dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS.

Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada gobolka Mudug iyo qaar kamida wax garadka magaalada gaalkacayo.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa sii maridoona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbi donaan magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in halkaasi ay uga qayb geli doonaan shir ay isugu iman doonaan madaxdda DFS iyo dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS,  isla markaana lagaga arrin sanayo arrimo khuseeya dib u dhiska ciidan qaran iyo horumarka dalka Soomaaliya.

‘’ Saaka waxaan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajaynayaa inuu noqdo shirkaasi shir guul iyo khayreh Soomaaliyana wax uga soo kordhaan, waxaan rajaynayaa shirkani inuu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu tegijirey wadamada kale sababtu waxa weeye muhiimada uu maanta leeyahay shirkaasi, shirkani muhiimadiisu waxa weeye in lahelo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis  horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo  ladhaqaajiyo nabad gelyadii iyo horumarkiiba, waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo  mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD—                                                                                                           

XAFIISKA, WARFAAFINTA WACYI-GLINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online