Nadwo Ramadaanka lagusoo dhawaynayo oo ka bilaabtay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

May 21, 2017 - Written by Editor

Gaalkacyo:- Iyada oo Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay ka harsan tahay muddo kooban ayaa waxaa ka bilowday qaar ka mid ah Masaajidda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Nadwo lagusoo dhawaynayo Bishaas Barakaysan. Nadwadaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Puntland ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa loogu tala galay in Bulsha weyn reer Gaalkacyo ay ugu diyaar garoobaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxay ka bilaabtay labada Masjid ee waaweyn: Masjid Ramadaan (Garsoor), iyo Masjid Abii Hurayra (Israac). Nadwada oo soconaysa muddo afar habeen ah ayaa waxaa soo jeedinaya Culimada ugu waaweyn Magaalada Gaalkacyo. Ciwaanada lagu qaadanayo Nadwada labadeeda Daraf ayaa isku mid ah marka laga reebo Caawa oo ah habeenka u hureeya.

Masjid Ramadaan Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: Sababaha keena in la laalaabo Ajarka ayaa waxaa Caawa kasoo jeediyay Sh.Badal Mohamud Sugulle Camiidka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo). Masjidka Abii Hurayra waxaa Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: U diyaar garowga Bisha Ramadaan kasoo jeediyay Sh.Abdurezak Fiki Warsame Maxamuud Shiikha Kitaabada ka Akhriya Masjidka weyn ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxaa lagu qaadanayaa Sadexda Habeen ee soo socda ciwaanada kala ah:

رمضان شهر التوبة والمغفرة.

فضائل شهر رمضان.

أحكام وآداب الصيام.

Si kastaba ha ahaatee Nadwadaan oo soconaysa muddo kooban ayaa waxaa bar bar so

conaya in laga jawaabo Su’aalaha ay Dad waynuhu qabaan.

C/raxmaan Bilaal Caad

Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online