Ra’iisul Wasaaraha DFS oo furay shirweynaha Ansixinta qaab dhismeedka Manhajka waxbarashada dalka.[Masawiro]

May 10, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

Ra’iisul wasaaraha Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online