Madaxweynaha Puntland oo magacaabaay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal

September 24, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan Magacaabid Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal iyo xil ka qaadis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd
Og: Duqa Degmadda Garoowe
Og: Madaxweyne ku xigeenka

Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal
Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,

Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay’adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta.

Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka.

Fulin wacan

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Dowladda Puntland

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online