Xildhibaannada DFKM oo mar kale saaka ku dagaalamay xarunta golaha Shacabka
January 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Xildhibaannada Golaha baarlamaanka DFKM oo noqday 2 koox oo iska soo horjeeda ayaa saaka markii afaraad dagaal gacan ka hadal uu ku dhexmaray xarunta Golaha shacab ka , dagaalka ayaa bilowday ka dib markii xilibaano taageersan guddoomiyihii baarlamaanka DFKM Shariif Xassan ay soo galeen golaha shacabka dagaalka saaka ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray ilaa 4 xildhibaan .xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa dhaawaciisa ahaa mid culus.
Xildhibaannada saaka uu dhaawacu soo gaaray ayaa waxaa ay u badan yihiin xilibaansii taagersanaa guddoomiyaha baarlamaanka ee DFKM ee xilka laga qaaday xilibanaada ayaa dhaawacooda waxaa uu iskugu jiraa mid culus iyo mid fudud. xilibanada dhaawacu soo gaaray ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha baarlamaanka DFKM ayaa waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaday gudoomiye ku xigeenka 1aadd ee baarlamaanka Cabdi weli Ibraahim Muudey iyadoo arrinkaas ay sheegeen ka dib kulan maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka walow maanta gacan hadal uu ka dhexmaray xilibaanada.
Ciidamada AMSIOM iyo kuwa DFKM oo iyagu ku sugnaa xarunta Golaha baarlamaanka ayaan wax ka hortag ah ku samayn ama kala dhex gelin xilibaanada DFKM ee markii 4aad ku dagaalamay xaruntii shacabka taas oo muujinaysa in ay dan ka lahayn wax ka dhex socda xub naha Golaha baarlamaanka DFKM.
A/Cawale
Halgan.net