Askari Maraykan ah oo lagu eedeeyey in uu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab
January 10, 2012 - Written byAskari hore uga tirsanaa ciidanka dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu doonayey in uu la shaqeeyo ururka Al-shabaab iyagoo ay ciidanka sidoonka dalka Kenya ay ka soo qabteen xili uu doonayey in uu ka talaabo xadka u dhexeeya dalka Soomaliya iyo Kenya, Askarigaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Craig Baxam da,diisuna waa 24 sano jir.
Askarigaan Maraykanka ah ee lagu magacaabo Craig Baxam ayaa waxaa uu yimid dalka Kenya bishiio December 2011 waxaan uu deganaa duleedka Washington DC, Dacwo ooge maraykan ahaa ayaa dacwo ku soo oogay iyadoo haddii eeda loo jeedyey ay ku cadaato uu mudan doono xabsi gaaraya ilaa 15 sanno.
Dowlada Maraykanka ayaa waxaa liiska kooxa wax ay ugu yeeraan argagixisada waxaa ay ku dareen ururka Al-shabaab ka dib markii ay ku eedeeyeen in ururkaan uu xiriir toos ah kala dhexeeyo ururka Al-qaacida oo dowlada Maraykanka dagaalo fara badan uu ku dhexmaray dalka Afgaanistaan iyo Ciraaq.
Sirdoonka dowllada Kenya ayaa maalmo ka hor shaaciyey in ay baadi goob ugu jiraan qof asal ahaan ka soo jeeda Maraykan oo xiriir la leh ururka Shabaab soona galay dalkooda ,wararka qaar ayaa sheegay in sirdoonaka dalkja Maraykanka FBI ay xog soo siiyeen ciidanka sirdoonka ee dalka Kenya sidaas darteedna ay ku qabteen Craig Baxam
C/casiis Axmed
Halgan.net
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
ACWW
ma laga yaabaa in uu ahaa ninkani isku xidhaha CIA iyo Alshabaab almujaahidiin,khaasatan amniyaadka ina godane ee loo yaqaano CIA ALMUJAAHIDIIN.
WCWW
MEESHU WAA BUUXDAA IMISAA JAAJUUS KAMIDA ALSHABAB WAA WAXAY DADKA UGU CANBAAREEYAAAN WAA JAAJUSIN IYO GALO AYAY LA SHAQEYAN WAXAY YIHIIN BAY DADKA MOODEEN