Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi oo dil ka badbaaday
January 18, 2012 - Written byMuqdisho:-Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariig ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay gaarigiisa isaga oo maraya degmada C/casiis ee gobolka Banaadir
Afhayeenk maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariig ayaa saxaafada u sheegay in uu ka badbaaday isku day dil ka dib markii qarax lala eegtay gaarigii uu watay kaasi oo uu gebi ahaanba uu bur buray.
Maxamed C/laahi Cariig Afhayeenk maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qarxa ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada DFKM ay soo qabteen dhowr qof kuwaas oo su,aalo la weydiinayo waxaana uuna beeniyey in wax khasaaro ah uu soo gaaray dad kale.
A/Cawale
Halgan.net