Amniyaatka in Godane – Khawaarij mise wakiillo cadow ? W/Q Axmed M. Ciise

January 9, 2012 - Written by

Dad badan ayaa uga gaabsaday wax-ka-sheegga iyo naqdinta Al-Shabaab labo arrimood awgood: tan koowaad, maadaama culimadu sheegeen in dagaalka ay wadaan yahay  fitno, fitnadana ay tahay in laga gaabsado oo laga fogaado. Tan labaad, iyadoo loo maleynayey in wax dhaamaa aysan jirin; haddii iyaga laga adkaadana, dalka shisheeye cadow ahi qabsan doono. Haddaba – sida Soomaali iyo Muslimiin kaleba – waxaan mar qura si xanuun iyo argagax leh ugu salaley dilkii, Allaah ha u naxariistee, Sh./Dr./Mumtaz Military Officer – Axmed Xaaji C/Raxmaan anigu aqoon shakhsi ah uma lahayn, weligayna fool-ka-fool ulama kulmin Shiikh Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan.

Shakhsiyaddiisa, wanaaggiisa, iyo aqoontiisii baahsanayd waxaa hore si qoto dheer uga hadlay saaxiibbadiis iyo intii taqaannayn maalinka ay timaaddo Jihaad dhab ah iyo raadin dowlad Islaami ah, waxaa hubaal ah in uusan Shiikh Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan cabsi amase munaafaqnimo awgeed – sida ina Godane, sidii gabar cadraa ah – wejiga qarsadeen. Wuxuu ahaan lahaa abbaanduule ciidan oo dejiya khiddada iyo qorshaha dagaalka. Wuxuu ahaan lahaa caalim aan meel kale cilmi iyo fatwo u doonan. Wuxuu ahaan lahaa aftahan – markii ay noqoto dood iyo hadal. Xarakooyin Islaamiyiin ah oo hubaysan ayaa Soomaaliya ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaana hore u dhacay dagaallo lagu hoobtay. Balse, marna hore uma dhicin waxa maanta gumaad iyo xadgudub aan xad lahayn la geysanayo iyadoo la huwan yahay shaar jihaad iyo Islaam. Sababtuna waxay ahayd raggii hoggaaminayey xarakooyinkaas waxay ahaayeen rag madaxbannaan, isla markaana doonayey in aysan dadka ku dirin diintooda naxariista badan ee Islaamka.

Tusaale ahaan, markii 1992 dagaalku dhexmaray ururkii Al-Itixaad iyo maamulkii C/llaahi Yuusuf, waxaa camaliyad gaadmo ah ay ku qabteen C/llaahi Yuusuf. Raggii qabtay waxay u keeneen taliyahoodii – oo hadda ah sheekh caan ah laakiin waagaas ahaa nin dhallinyaro ah oo da’ yar, balse Alle ku mannaystay caqli iyo xikmad. Ragga qaarkiis ayaa  ku hanjabay inay dilayaan C/llaahi Yuusuf laakiin ninkaas dhalinyarada ahaa wuxuu diiday arrinkaas; C/llaahi Yuusuf isagoo aan bahdilid, jirdilid iyo wax kale loo geysan ayaa la siidaayey. Taliyahaas dhallinyarada ahaa wuxuu miisaamay oo ka fakeray maslaxada iyo mafsadada ka dhalan karta haddii la dilo C/llaahi Yuusuf. Wuxuu ka fakeray sumacadda xarakada Islaamiga ah iyo dacwada diinta. Wuxuu ka fakeray saamaynta dilkaasi ku yeelan karo dadka shacabka ah ee walaalaha ah ee degaankaas wada dega. Wuxuu ka fakeray midnimada iyo is-haysashada xarakadii Islaamiga ahayd ee uu ka tirsanaa.

C/llaahi Yuusuf markii la siidaayey kadib, wuxuu guluf dagaal oo ballaaran oo lagu  hoobtay ku qaaday xarakadii Al-Itixaad. Wixiise intaas ka dambeeyey, culimada reer Puntland iyo dacwada diintuba waxay heleen nabad iyo xorriyad ilaa iyo intii uu C/llaahi Yuusuf ahaa hoggaamiyaha Puntland. Haddaba, wixii ka dambeeyey duullaankii Itoobiya iyo burburkii Midowgii Maxaakiimta, waxaa soo shaac-baxay ururka Al-Shabaab waxaa soo baxay rag qallafsan oo weji iyo af duuban, oo qaarkood Af Soomaali ku hadlayaan, qaarna aammusan yihiin. Oo badankoodu dool ku yihiin oo aan laga aqoon meelaha ay qabsadaan iyo meelaha ay maamulaan.

Waxaa hoggaamiya rag aan Soomaalida badankeedu hore u maqli jirin, isla markaana aan loo tirin laguna aqoon cilmi  diineed iyo mid ciidan midna. Rag wata oo ay ku hareeraysan yihiin boqollaal shisheeye ah oo aan la aqoon cidda ay yihiin iyo cidda soo dirsatay. Rag sheeganaya amiirro laakiin aan ka hadlin masaajidda iyo fagaarayaasha. Waxa keliya ee laga maqlaa tahay cajalado la soo duubay. Rag aan wejigooda tusin ciidanka ay u dirayaan dagaalka. Rag dhallinyaro hub fudud ku hubaysan ku halaagay markii ay ka horgeeyeen ciidan rasmi (professional) ah oo ku hubaysan gawaari gaashaaman, taangiyo, iyo madaafiic.

Rag israaciya oo ruux-toga ninkii sarkaal ah oo aan koox-hoosaadkooda ka tirsanayn ee dhaawacma. Waxaan maqli jirey ‘waxaasi waa dhurwaa dhurwaayo ka jabay’! Rag DKMG ee tabarta iyo taladaba yar, u yaqaan ‘Kooxda Riddada’ – koox gaalowday oo gaalo hiil ka doonatay. Dhanka kalese, rag iyagu saaxiib la ah oo hub iyo kaalmo ka hela Isaayas Afawerqi (Eriteriya) oo ah gaal ka xun, kana cadowsan Meles Zenawi. Afawerqi oo ah ninkii cagta mariyey jabhadihii Muslimiinta reer Eriteriya ee iyagu bilaabay halgankii dagaalkii xorriyadda. Afawerqi oo 30%  ah Kiristaanka Eriteriya ku sandulleeya oo ku haysta in ka badan 60% shacabka Eriteriya oo ah Muslimiin. Afawerqi oo sheegta kuna faana in asalkiisu yahay Yahuud. Afawerqi oo ka abaaldhacay dalalkii Muslimiinta ee iyagu ahaa kuwa u suurtogaliyey in shacabka Eriteriya galaan dagaal gobonimo-doon oo dheer.

Rag qummanahooda qoorta loo suray, oo, malaha, aammisan inaysan gefi karin oo macsuum yihiin. Oo aan oggolayn dood furan iyo niqaash ku salaysan daliil Sharci ah. Oo ninkii u duurxula, amase naqdiya, amase khilaafa – waxaa u qoran rasaas madaxa iyo wadnaha looga dhufto. Rag cuqdad iyo xiqdi u qaba culimada ka aqoonta badan, kana shacbiyadda badan. Rag aysan u muuqan musiibada ku habsatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Oo dadkii sii barakicinaya oo dalkoodii ka suulinaya. Oo dhulkii xaalufinaya iyagoo dhirtii dhuxul ay lacagteeda dagaalka ku sii huriyaan ku beddelanaya. Rag doonaya Soomaaliya inay u isticmaalaan saldhig ay dalal kale kaga duulaan. Rag cadowga shisheeyaha siinaya fursad iyo marmarsiinyo ay ugu soo duulaan oo ku qabsadaan dhulka Soomaaliya.

Waxaas oo dhan waxaa loo saaraa Al-Shabaab, laakiin waa inaan fahamnaa in Al-Shabaab yahay urur u afduuban ina Godane iyo khusuusidiisa (inner circle) iyo ilaaladooda shisheeyaha u badan. Kooxdaasi waxay Al-Shabaab u maamulaan sida Mafia-yada oo cabsi iyo khaarijin ayaa meesha ka jirta. Dilal iyo xadgudubyo badan oo Al-Shabaab loo aaneeyo, ma ahan kuwo lagu go’aamiyo xalqo xor ah oo ay u dhan yihiin, lagalana tashado ragga lagu tuhmayo inay yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. Rag badan oo culimo ah oo halkaas joogana, meesha cod iyo go’aan kuma laha.   Kumannaanka dhallinyarada ah ee hubka Al-Shabaab u sida, waxay u badan yihiin rag dalkooda iyo diintooda u daacad ah laakiin si gurracan loo adeegsaday.

Dadka Al-Shabaab dhaleeceeyaa waxay si huwin ah ugu tilmaamaan ‘khawaarij’. Taas waxaan u arkaa sifo dusha laga saaray kumannaan qof oo wax walba leh. Waxaan u maleynayaa waxaa la joogaa xilligii arrinta laga eegi lahaa dhanka siyaasadda oo diiradda la saari lahaa ina Godane khusuusidiisa iyo Aminyaadkiisa. Waxaa la joogaa xilligii la ogaan lahaa kooxdan waxa ay ku kacayaan ma caqiido iyo faham diineed oo ay sidaa u arkaan baa mise waxay ku shaqaynayaan qorshe loo soo dhiibay oo ay soo diyaariyeen cadowga Muslimiinta iyo Islaamka.

Kooxda ina Godane way fashilantay, waana inay is-casilaan. Haddiise ay diidaan – si loo badbaadiyo kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah naftooda – waa inuu dhacaa gadood iyo cinqilaab Al-Shabaab dhexdiisa ah. Ugu dambeeyn, waxay u egtahay in Soomaaliya loo dejiyey qorshihii hashii ninka gurrani dheelmay. Soomaalida badankeedu Al-Shabaab ma taageersana, isla markaana rajo kama qabaan, niyadna uma hayaan DKMG. Haddaba – inta aan la isku jebin amase la xasuuqin jiil idil oo da’yartii Soomaaliyeed ah, isla markaana aan  dalkeenna lagu daadin bambooyink firdha (cluster bombs) ee markii ay  qaraxdana wax xasuuqda, tii qarxiweydaana noqoto miino dhul-jiifa ah oo sugeysa cid taabata uun –  sidee loo helaa awood Soomaaliyeed oo taag leh. Awood u daacad ah Diintooda, dalkooda, iyo dadkooda?

Afeef  Aragtida Qoraalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

W/Q Axmed M. Ciise

4 Comments so far

Leave a comment

  1. walaalayaal shaki yuusan idinka gelin in godane iyo kooxdiisa dhagarqabayaasha ahba uu wakhtigu soo duubi doono, baadilku marka hore wuu fufi ogyahay oo faafid badan yahay, laakiin sida sunnada rabbi ee soo jiri jirtay ay tahayba marka uu dulmigoodu isfuulfuulo oo arladu qaadi weydo ummadduna alle bari afkoodu cuskado dulmigaas waxaa billowda dhammaadkiisa, marka imika dulmigii ina godane iyo canaasiirtiisaba wuu billowday ka dib markii uu gaarey halkii ugu sarreysey oo ah laynta culimada alle ee dacwadaan umadda soo gaarsiisay, xadiiskii nebiguna waa kuu ahaa…” Ilaahay ninka daalimka ah waa u kaadiyaa marka uu qabtase ma sii daayo”…bal dulmiga ka badan ee la sugayo muxuu yahay in la banneeyey dilka dadkii ugu kheyrka badnaa alle agtiisa oo ah culimada iyo ducaada, bal dulmiga ka badan muxuu yahay in dalka iyo dadkii soomaaliyeed cadaw loogu yeero oo laga cararao, bal dulmiga ka badan muxuu yahay xasuuqa caruurta yaryarkaa ee haddana dhiigooda la leeyahay alle ayaa loogu dhowaan oo jannaa lagu gelayaa, bal dulmiga ka badan muxuu yahay qaxinta iyo barakicinta, iyo gaajeysiinta shacab dhan oo muslim oo laga buuxiyey xeryo gaalaad oo hay,ado tansiiri ah ahi kala boobayaan….ilaahay isagaa caadil ahe caddaalad ayuu aduunkaan u yeelay, waxaana wax la hubo ah oo caddaaladiisa ka mid ah in qof wax dulmiyey muslimba ha sheegtee uusan dulmigiisa ku deynin, marka dhulkaha iska fasahaadiyo isaga iyo jabbaabiradiisa fircoonba ilaahay waa u kaadiyey illaa uu gaarey in uu xasuuqo oo baaiiyo shacab dhan oo alle ugu talagalay in ay noqdaan kuwa dhulka camiraya waa reer banii israaiile, ka dibna alle waa qabtay oo fasaadkiisii ayuu dhulka ka fariisiiyey….Ina godane marka siiya wakhtigiisa…

  2. asc waxaan salamaya dhamaan inta uu ilahay xaqa fahamsiiyay racitaankiisana wafajiyay.
    hadaan dhiibto taladayda ku,aadan arintan al-shabaab waxaan kuso kobaya labo qodob.
    mida koowaad hadi aan rabno inaan badbaadino jiilka iman doona wa inaan saxna jiilka hada jooga saxada waxaan qaba khaladka al-shabaab hadhinacyo badnaado waxa u kuqotama wa diin wax laga suulin karo ma,ahan marka xalkoodu wa in xidida losara hadi kale waxa galafan donaan jilka cusub
    mida labaad al-shabaab cida ay kutaagaan tahay wa in aan xaqijina waayo waxaan ogaan karna arintooda in lafaro galin karo iyo in kale.
    haday ka shidaal qatan ilo layaaqano waxa suura gal ah in minjohooda la helo hadi kale waxay noqonaysa dhalinyara somaliyeed aya meel cidla ah u dhamanaysa oo waxay ku n doonaan – kud iyo qanjihiisa wa la.isla goya-si kastaba ha ahate wa in umada somaliyeed xal lohela oo kamadax banaan labada dhinac kmg iyo shbb ilahay waxaan kabaryaya sanadkan cusub in u unoqdo umada somaliyeed sanad camul jamacah
    sanadki ay somali is raci lahayd amiin

  3. acww
    Ina godane,amniyaadkisa iyo buunanka ama gariyada uu ciyo ee alfurqaan,amiirnuur,somalimidnimo iyo somalimemo dhamaan nidaam cadow u adeega,dabina looga dhigay dadka ehlu khayrka ah.
    Nidaamkaan oo kale waa mindi laba af leh. Dhanka hore dadku waxay u arkaan dad jihaadaya,nin kasta oo jihaad jecela wuu u tagi.Marka waxa u sahlan nimankaa in ay ninkaa si dhib yar uga takhalusaan,wuu shahiiday,cadowguu la shaqeeyaa,waa qabiiliste iyo wixii la mid ah ayay ku sifayn karaan,kagana takhalusi karaan.
    Dhanka kale waa murtad,waa culamaausuu,waa qabiilisti,waa jaajuus iwm ayay ku xasuuqi dadka.
    marka waxaa la odhan karaa sida ka dhacday aljeeriya iyo ciraaq waa nidaam aad qaali ugu ah sirdoonka aduunka.Jihaaskii hela nimanka oo kale waa jihaad khatar badan oo wax kasta fushan kara.
    Culimada soomaaliyeed cudurdaar ma haystaan.Raga waxaan samaynaya waa idinkoo kale,say ku dhacday in ummada soomaaliyeed heerkaa la gaadhsiiyo? aaway jiilkii saxwada ee ay culimadu sida saxda ah u tarbiyeeyeen?
    Culimadu waa in ummada soomaaliyeed badbaadisaa.
    wcww

  4. asc wr wbr dhamaan umada somaliyee gara ahan walaha halgan khayr badan alaha idin siiyo ilahay waxaan kabaryaynaa xalada adag oo lagu jiro in lahay farj khayr qaba nooga furo walalka maqlaalka qorayna ad baan igu mahad celinayaa khayr badan alaha ku siyo maanta culimadii soomaaliyeed o cabqariyiinta ahaa oo diintaan dadka so gaarsiyay waxay ubahan yihiin hiil af iyo adinba leh waxaan aad igu baraarijinaya dhalainyarada wax fahansan in aya qalainak u qadataan say udifaacilahaayen culimadeene inta haratay intii dhimatay tagtaye qaybata qoraalku waa qaybata manta qaraga wax kharibaya wax ku qaribeen marka kolay manta xaq iyo badail kala cadaa dilki shekh Dr axmed xaaji waxaan filayaa wax badan baa kulala cadady oo nasri bu unoqon doonaa umada soomaliyeed isaguan xiligiisii ma dhafeen ilahaybaase xigmad ugala danlahaa oo waxbaa lagu kal cadaynayay inalahay xaqa hana wafajiyo xili adag abalagu jiraa alaha naga saaro culimada hala difaaco cod iyo qoraalba wabilaahu tawfiiq

Leave a comment

*