Ciidamada DFKM ee ku sugan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye oo qabtay walxaha qarxa
January 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada DFKM ee ku sugan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ay gacanta ku dhigeen nin wata walxaha qarxa oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cismaan oo ah taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ee Ex-Koontarool Afgooye.
Maxamed Cismaan oo ah taliyaha Ciidammada Nabad Sugida ee Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegay in ay qabteen nin watay walxaha qarxa ka dib markii ay baaritaano ku sameeyeen baabuurta BL-ka ee u kala goosha Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Sarkaal u hadlay DFKM ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan wiilka dhalinyarada ah oo ay ku qabteen walxaha qarxa marka ay u dhamaato baaritaanka ay ku hayaan ciidamada DFKM .
Ciidamada DFKM ee ku sugan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa isbuucii la soo dhaafay sidoo kale waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen
wiil iyo gabar dhalinyaro ah oo watay walxaha qarxa kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net