Nadwo ka bilaabatay maanta magaalada Rusternburg ee dalka South Afrika (Dhawaan filo)
January 6, 2012 - Written byRusternburg:-Culumadii Nadwada ka waday dalka South Afrika ayaa maanta gaaray magaalada Rusternburg waxayna halkaas ka bilaabeen Nadwo diini ah taas oo ay ugu magac dareen (Diintu waa Naseexo) waxayna culumada ka soo jeedsheen nadwooyin kala duwan magaalooyinka kala ah Johannesburg,Captown ,Portelizabeth.
Culumada ayaa maanta ka bilaabay muxaadarooyin kala duwan masaajida magaalada Rusternburg oo ay ku nool yihiin dadweyne Soomaaliyeed oo u soo barakacay dalka South Afrika.Waxaa muxaadaradii ugu horeysay jeedhay Sh Cali Wajiis waxaana uu ka hadlay In la isku kaalmeysto Wanaaga iyo Alle cabsidiisa lagana fogaado dulmiga iyo wax kasta oo alle looga fogaanayo.
Sheekh Cali Wajis ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday Ahmiyada uu islaamka siiyey in khayrka la isku kaalmeysto .Muxaadaradii xigtay ayaa waxaa galabta jeediyey Sh Mustafe Xaji wuxuuna ka hadlay xilka qofka muslinka ah diintiisa ka saaran iyo sida wanaagsan ay saxaabada iyo salafkii uga soo baxeen xilka alle saaray.waxaa Muxaadaradii 3aad galay maanta Sheekh Dr Ahmed Daahir aweys wuxuuna ka hadlay Xusnul khaatimaha .
Culumada Nadwada ka qeyb galaysa ayaa waxay kala yihiin.
1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
2-Sheekh Maxamuud Shible.
3-Sheekh Mustafe Xaaji Ismail.
4-Sheekh Cali Maxamuud Xassan
5-Sheekh Dr.Ahmed Daahir Aweys
Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen magaalada Johannesburg
Halkan Ka Dhageyso Muxaadarooyinkii ay culumada ka jeedsheen Magaalada Portelizabeth
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka ay culumada maanta ka jeedshaan magaalada Rusternburg hadii alle idmo dhawaan inshalaah.
Halgan.net
South Afrika
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
insha alaah walaalayaal soo galiya idinkoo raaliya waadna ku mahadsantihiin ku dadaal.