Dhaqaalaha islaamka (qaybta 2aad) W/Q Abdulqani Hussein Mohamed.
January 9, 2012 - Written byHargeysa:-Ilaahay baa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebi Moxamed korkiisa, intaas ka bacdi qaybtii koowaaad ee maqaalkan waxa aynu kaga soo hadalay macnaha dhaqalaaha guud ahaan iyo kan islaamka gaar ahaan iyo arimo kale oo muhiim ah ka akhri halkan.
Xasuusin iyo xeerin
Maqaalkanna waxaynu kaga hadli doonaa mabaa’dida guud ee uu ku qotomo dhaqaalaha islaamku iyo waxyaalaha uu kaga gedisanyahay dhaqaalaha aan islaamiga ahayn.
Qoraalada noocan oo kale ahi waa qaar loogu talo galay bulsho waynta, sidaa awgeed dabeecadoodu waa in si guud oo dadku wada fahmi karaan loo dhigo, sharxaadda dheeraadka ah iyo faahfaahinta waxa si gaar ah u leh golayaasha cilmiga lagu barto, iyo kulamada aqoon yahanka, inagoo arintaas xeerinayna waxaynu si kooban isu dultaagaynaa arimahan soo socda:
1- Mabaadi’da aasaaska u ah dhaqaalaha Islaamka
2- Dhaqaalaha Islaamku waxa uu kaga gedisan yahay dhaqaalaha reer galbeedka amaba bariga.
3- Kaabayaasha dhaqaalaha islaamka.
Mabaadi’da guud ee dhaqaalaha islaamka
Dhaqaalaha islaamka waxaynu hore ugu soo macneynay inuu yahay “cilmiga nidaamiya xidhiidhka u dhexeeya qofka iyo maalka, haday tahay hanaanka wax soo saarka dhaqaale, kobcinta iyo habka isticmaalka iyo bixintiisaba, si waafaqsan mabaadi’da iyo axkaamta shareecada islaamka”.
Sida eray bixintan ka muuqata waxa jira mabaadi’ iyo axkaam qaabeysay tacriifkan ama eray bixintan, hadaba waa maxay mabaadi’daasi, mar kase laga yimaado mabaadi’da guud ee shareecada loo soo dejiyey dhaqaaluhu ma leeyahay mabaadi’ isaga u gaar ah?.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu ka kooban yahay laba nooc oo mabaadi’ ah, kuwaasoo kala ah:
a) Mabaadi’ sugan oo aan is bedbedelin weligeed.
b) Iyo mabaadi’ is bedbedesha oo hadba la jaan qaada wakhtiga, goobta iyo bulshada lagu dhaqayo,
Mabaadi’dan nooceeda danbe waa mid ku salaysan ijtihaad iyo dadaalka lagu dabaqayo ama lagu hawlgelinayo qawaacida ama mabaadi’da sugan ee aan iyagu is doorin.
Arintanii waxa ay muujinaysaa dheelitirka shareecada iyo muruunadeeda (flexibility), iyadoo dhinacna banii aadamka u jeexday hagayaal aan laga lumi Karin, sidoo kale siisay tixgelin maskaxda ibnu aadamka iyo waaqacooda kala duwan, si qolo waliba sida ku haboon u hirgeliso khadkaas guud ee loo jeexay
Mabaadi’da sugan ee dhaqaalaha islaamka.
Halkan waxaynu si kooban ugu soo bandhigaynaa inta ugu muhiimsan mabaadi’da uu dhaqaalaha islaamku ku dhisan yahay, si uu u xaqiijiyo maqaasidda iyo danaha shaaricu ka leeyahay
1- Mabda’a lahaanshaha.
2- Mabda’a hirgelinta xalaasha iyo ka fogaanshaha xaaraanta.
3- Mabda’a dhiiri gelinta waxsoo-saarka iyo shaqada.
4- Mabda’a dhexdhexaadsiga.
5- Mabda’a cadaalada waxqaybsiga iyo hantiwadaaga sharciyeysan.
6- Mabda’a mudnaanta iyo kala hormeynta baahiyaha.
7- Mabda’a masuuliyadda tacmiirka iyo khilaafada dhulka.
8- Mabda’a akhlaaqda iyo dhaqan wanaaga.
9- Mabda’a kifaayada khayraadka dhulka.
10- Mabda’a suuqa xorta ah ee nidaamsan.
Qormadeenan soo socota waxa aynu si kooban sharaxaad uga bixinaynaa shanta ugu horeeya mabaadi’dan inagoo – Ilaahay idankii – shanta kalena qormo danbe kaga hadli doona.
1- Mabda’a lahaanshaha:
dhaqaalaha islaamku waxa uu ku dhisan yahay mabda’ odhanaya (hantida iyo maalka waxa iska leh Ilaahay banii aadamkuna waxay ka yihiin wakiil), Allaah waxa uu ku yidhi aayadda (7) ee suratul xadiid {Ilaahay iyo rasuulkiisa rumeeya oo bixiya maalka uu Ilaahay idiin dhiibtay}, macnahan aayado badan oo kale ayaa tilmaamaya sida aayadda suuratu nuur (33). taasoo macnaheedu yahay in maalkan iyo dhaqaalahan gacantaada ku jira aad u adeegsato danahaaga iyo masaalixda guud ee mashruuca ah oo keliya, iyadoo ay kaa reebantahay inaad u adeegsato wax ilaahay kaa xarrimay, si kale hadaynu u dhigno xorriyad iska furan oon dabar lahayn uma haysatid dhaqaalaha, ee xoriyada lahaanshahaagu waa mid ku xadeysan sharciga.
2- Mabda’a hirgelinta xalaasha iyo ka fogaanshaha xaaraanta.
Mabda’ani waxa uu dhamaystir u yahay mabda’ii hore ee ahaa in lahaanshahaagu uu yahay mid xakamaysan.
Waxa uu dhaqaalaha islaamku xadeeyey hanaanka wax soo saarka iyo shaqada taasoo macnaheedu yahay in kasbigaagu noqdo xalaal, in wax-soo-saar kaagu noqdo xalaal, sidoo kale in wax bixintaada iyo maalgelintaadu noqoto mid sharciga ku banaan, Ilaahayna waxa uu baneeyey wanaag oo dhan – mid aduun iyo mid aakhiro- waxaanu reebay xumaan oo dhan, eeg aayada (157) ee suuratul acraaf.
Hadaynu si kale u dhigno waa miisaaniyadda dawladu, bulshadu, qofka iyo qoysku noqotaa mid ka timaada ilo xalaal ah, kuna baxdaa ilo xalaal ah, waa in (production) kaaga iy (consumption) kaagu xalaal yahay.
Waana arinta uu rasuulku ku tilmaamay xadiiska ka sugnaaday ee macnihiisu yahay: in adoonku aanu qiyaamaha meesha la taagan yahay ka dhaqaaqayn ilaa la waydiiyo, afar su’aalood oo ay ka mid yihiin, xoolihiisha meesha uu ka kasbaday iyo meesha uu ku bixiyey, waxa la waydiiyanayaa: ganacsigaagii, miisaaniyadaadii maaliyadeed ee aad aduunka ku soo isticmaashay iyo wax soo saarkaagii iyo sidaad u isticmaashay (production & Consumption).
Sidaa awgeed ayuu ilaahay u xarimay Ribada, sababtuna waa burburka dhaqaale, dulmiga ku jira iyo ka madhnaanshaha ay ka madhan tahay dhammaan waxtar bulsho iyo koboc dhaqaale, waxa iyana la mid ah, maandooriyaasha, qamaarka ——- iwm.
3- Mabda’a dhiiri gelinta wax-soo-saarka iyo shaqada
Dhaqaalaha islaamku waa mid ku dhisan madaxbanaani dhaqaale, isku-tashi iyo hal abuurnimada bulshada, waxa uu ceebeeyey baryada, waxana uu dhiiri geliyaa shaqada iyo wax-soo-saarka, waxa Nebiga ka sugnaatay (scw) inuu yidhi (Ibnu aadamku ma cuno wax ka fadli badan waxa uu gacantiisa ku shaqaysto), sidoo kale waxa uu sheegay (scw), “Hadii midkiin isagoo gacanta ku haya laan uu doonayo inuu beero, suurta qiyaamaha la afuufo, laantaas ha beero oo ha ka gaadhsiiyo haduu awoodo, waayo ajar buu ka helayaa” adkeyn iyo dhiiri gelin wax-soo-saar oo hadalkan ka xoog badan oo ibnu aadam kale yidhi lama soo heli karayo!!!.
Waxyaalaha sida cad u muujinaya waxsoo saarka waxa ka mid ah in islaamku aanu ogoleyn ilo wax soo saar oo cadilan, ama dayacan oon laga faa’iideysanayn, sidaa awgeed ayuu Nebigu (scw), siiyey xaq nimada dhulka banaan cidda noolaysa ee beerta, sidoo kale cumar bin khadaab ayaa khilaafadiisii ugu goodiyey rag haystay dhulal waaweyn oo aanay ka shaqaysiin ama beerin in uu ka qaadi doono ninka aan ku hawl gelin mudo sadex sanadood gudahood ah dhulka uu haysto, siina doono cid ka faa’iideynaysa oo shaqo gelinaysa, waayo dhulku waa hanti ma guuraan ah oo wax soo saar (productive asset) inay iska cadilaato oonay cidina ka faa’iideysan waxay dhabar jab ku tahay dhaqaalaha dalka iyo bulshada.
Nasiib daro:
Maanta dhulka geeska Africa ee ummadda somaliyeed degan tahay waxa lagu tilmaamaa inuu yahay dhulka aduunka guud kiisa ugu qanisan!!!!!—- u fiirso bulshada ku noolina waa bulshada aduunka ugu faqiirsan, waxay ku caan baxeen umadii macaluusha. shalay bay ahayd markay shaashadaha tv-yada aduunka ka buuxiyeen muuqaalada foosha xun ee macuulasha ah, ilaa aynu noqonay umad ku suntan macaluul, colaad, khilaaf iyo tafaraaruq oo dhamaantood ah waxuu Nebi Mohamed (scw) ilaahay ka magan geli jirey.
Si aanan uga bixin nuxurka mawduucayga fadlan u laabo qoraalka qiimaha badan ee uu leeyahay Fadiilat Sheekh: Mohamed Idris ee la yidhaahdo hantiilayaasha caydha ah: halkan ka akhri
Sidoo kale dhegayso muxaadarada Dr saadiq eenow ee magaceeduna ahaa muhimadda somaliya, kana mid ahayd nadwadii april 2009 ee lagu qabtay Masjidka Rawda ee magaalada boosaaso. halkan ka dhegayso ama halkan.
Bulshada soomaaliyeed waxa ay curyaamiyeen oo cadileen sadex arimood oo hanaanka dhaqaale ee islaamku uu ku gaadhsiiyo qof kasta oo bulshada ka mid ah isku filaansho iyo nolol u qalanta, arimahaas oo kala ah:
- Inkhayraadka dhulka iyo baddaba si dhamaystiran oo sax ah loola soo baxo loogana faa’iideysto. (Natural Resources)
- In awooda dadka – mid maskaxeed iyo mid muruqba- si sax ah oo dhamaystiran loo adeegsado (Human Resource Capacity)
- In waxa lala soo-baxay ee khayraadka ah si cadaalad ah loo qaybsado (fair distribution of wealth).
4- Mabda’a dhexdhexaadsiga:
Mabda’ani waa mid ka turjuma guud ahaan manhajka diineed ee ummad Nebi Mohamed (NNKH) oo ilaahay ku tilmaamay inay tahay ummad dhexdhexaad ah, sidaas oo kale dhaqaalaheedu waa dhexdhexaad aan xad gudub iyo gaabis midna lahayn.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu dhex u yahay hanaanka dhaqaale ee lagu magacaabo: hanti-wadaaga (socialism), kaasoo aan wax xurmad ah siinayn lahaanshaha gaarka ah, iyo hanaanka dhaqaale ee loo yaqaano: hanti goosiga (capitalism), kaasoo leh xoriyad aan nidaamsanayn ama xad sharci lahayn.
Hanaanka dhaqaale ee islaamku waa mid ku dhisan mabda’a dhexdhexaadsiga haday tahay kasbiga oo ku xadaysan xakameeyayaal sharci ah, waa inuu dulmi iyo dhib midna ku ahayn cid kale, sidoo kale isticmaalkaagu (Consumption) waa in uu ka madhan yahay israafka iyo xad gudub.
Waa hanaan asal iyo marjic looga dhigay aayadda suuratul furqaan ee numberkeedu yahay 67, ee odhanaysa {Adoomada ilaahay ee wanaagsani waxa weeye kuwa marka ay wax bixinayaan aan ku talax-tegin oon israaf la iman, sidoo kale aan bakhayl nimo iyo gacan yaraan ku sifoobin, labadaas dhexdoodana jid toosan ka dhigta} ama aayadaha suuratul israa ee (26-30).
5- Mabda’a waxqaybsiga cadaaladda iyo hantiwadaaga sharciyeysan.
Mabda’ani waa mabaadi’da waaweyn ee uu hanaanka dhaqaalaah Islaamku kaga gedisanyahay systems-ka dhaqaale ee banii-aadamku sameysteen, waxaana asal iyo qaacido sharci u ah, aayada uu ilaahay leeyahay {fayga qaniimada waxa iska leh ilaahay, rasuulka, qaraabada rasuulka. agoonta, masaakiinta iyo musaafirka, sidaana waxa loo yeelay si aanay hantidu u noqon mid ku dhex wareegta oo keliya kuwa aqniyada ah ee wax haysta}suurat alxashr (7), sidoo kale sadaqada iyo sakadu waa arimo ka mid ah aaliyaadka (industries/tools) uu islaamku u adeegsado cadaaladda qaybsiga khayraadka, maamulka ummaddana waxa waajib ku ah in qofkasta oo bulshada ka mid ah loo damaano qaado nolol wanaagsan,
Dawladu xagay wax ka keenaysaa si ay ummadda – ay imika ku dulnooshahay sida parasites ka– wax u siiso oo nolol fiican ugu dammaano qaado? Jawaabta maqaalkeena danbe ayaan u dib dhigayaa.
La soco qaybta sadexaad
Abdulqani Hussein Mohamed
PhD, (Candidate) Islamic Financial Engineering
Beder Center for Future Studies & Consultancy