Al-shabaab oo gurmad uga yimid Ceelasha Biyaha iyo dagaal ka socda qaybo ka mid ah Muqdisho
January 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Dagaal culus ayaa caawa waxaa uu xoog uga socdaa duleedka waqooyi ee degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, gaar ahaan duleedka qubuuraha Barakaat iyo wadada warshadaha ka dib markii gurmad ku hubeysa gawaarida Tikikad ay soo gaaree ciidamada Al-Shabaab, Dagaalka Caawa ayaa waxaa laga wada maqlayaa Degmada Dayniile iyo goobihii uu dagaalka ka socday maanta waxaana si xoogga loo maqlaa hubka culus iyo madaafiicda goobta oo ay ridayaan ciidamada AMISOM .
Wariyaha Halgan.net ayaa waxaa ay dad goobjoogyaal ah u sheegeen in Madaafiicda AMISOM ay sababtay khasaaro leh dhimasho dhaawac iyo burbur xooggan oo soo gaaray guryaha shacabka rayidka ah.
Ilaa haatan si rasmi ah looma cadeyn karo goobaha ay kala joogaan labada ciidan iyada oo xabadu ay tahay mid aan kala joogsneyn.Saraakiisha iyo madaxada Ururka al-shabaab ayaa dhowr goor oo hore sheegay in ay badaleen qaabkii ay u wadi jireen dagaalka .
A/Cawale
Halgan.net