Ma xubneey soo dooran mise xoolo ?!!! W/Q C/risaaq Sugulle Maxamed
January 3, 2012 - Written byIn kastoo xirfad ahaan aan dhinaca saxaafadda ka soo jeedo, hadana in badan qalinka iyo warqadda isma saarin. Balse waxaad moodaa haatan in la gaaray xilligii loo baahnaa in la muujiyo waxyaabaha dhibaatooyinka raagay ku noqday in dalkii Soomaaliya loo yiqiin uu mar kale lugihiisa dib isugu taago. Soomaalidu waxay tiraahdaa ” balaayo kaa maqan looma yeerto ” Waxaan u soo joogay xilligii barisa maadkii iyo dowladnimada Soomaaliyeed, inkastoo musuqmaasuq, isdabamaryayn, kaligiis talinimo iyo dhibaatooyin maamul jireen, haddana dadka iyo duunyaduba waa ay dhaqnaayeen, kala danbaynta iyo howl-kala socodku waa jireen, dowladnimada iyo haybaduna waxay ahayd mid dunida laga aqoon sanyahay, baarlamaan iyo golayaal dowladeed oo shaqeeyana waan lahayn.
Ma xubneey soo dooran mise_xoolo
W/Q C/risaaq Sugulle Maxamed
Halgan.net,Finlland