Maamul goboleedka cusub ee Khaatumo oo madaxdiisa lagu dhawaaqay maanta
January 19, 2012 - Written byTaleex:-Magaalada Taleex oo uu ka soconayo shirka beesha Dhulbahante ee Khaatumo2, isla markaasna horey loogu dhawaaqay magaca ay yeelaneyso dowlad goboleedka cusub, ayaa maantana waxaa looga dhawaaqay xubnaha maamulaya golayaasha dowladda ee maamulka Khaatumo State Of Somalia, waxaana kala yihiin.
Golaha madaxtooyada
Axmed Cilmi Cismaan (Karaash): Madaxweyne
Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel): Madaxweyne ku xigeen
Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe): Madaxweyne ku xigeen
Golahan ayaa xubnaha hogaaminaya midkiiba waxa uu xilka haynayaa 6 bilood, iyadoona muddada ugu horeysa uu hoggaamin doono Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
Golaha Wasiirada
1-Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha
2.-Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka
3- Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4-Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga
5-Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada
6-Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
Shirkan ayaa waxa uu magaalada Taleex ka soconayey tan iyo bilowgii bishaan, iyadoona Jaaliyadaha beesha ee ku nool dibadaha iyo beelo kaleba ay taageero baaxad leh u muujiyeen shirkan iyo go’aanada ka soo baxay
Halgan.net