Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo u baqoolay Deegaanka Dharoor
January 16, 2012 - Written byBoosaaso:-Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole ayaa saaka u ambabaxay deegaanka Dharoor ee gobolka Bari waxaana socdaalka ku weheliya wasiiro xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay ujeedkiisa in uu xariga ka jarayo qodista ceel shidaal oo la filayo in maanta laga bilaabo deegaanka Dharoor oo la geeyey dhamaan qalabkii lagu qodi lahaa Shidaalka .Madxweynaha Puntland ayaa mar uu wareysi siiyey warbaahinta waxaa uu u sheegay in uu rajo weyn ka qabo soo saarida Shidaalka taas oo saro u qaadi doonta shaqaalada Puntland gaar ahaan iyo dalka oo dhan .
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku sii hakaday Tuulooyin dhowr ah oo ka sokeeya Deegaanka Dharoor waxaana si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas.Hadalheynta qodista shidaalka ayaa waxay soo bilaabatay mudadii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi Boqor mudo 3 sano ka hor ah waxaana baaraya shidaalka shirkada Africa Oil.
M_M Deeq
Halgan.net