Qarax lagu weeraray ciidamada Booliska ee magaalada Mandheera
January 3, 2012 - Written byMandheera:-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in saaka qarax miino ah lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidamanka Booliska magaalada Mandheera Qarax miino ayaa ahaa nooca lagu hago Rumuud Control-ka .
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha magaalada Mandheera waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan Milatariga dalka Kenya iyaga oo bilaabay howlgalo ay dad badan ku soo qabteen waloow ay markii danbe sii daayeen qaar ka mid ah dadkii ay qabteen.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamadii qarax lagu weeraray .dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in 3 qof oo dhaawac ah ay arkeen.
A/Cawale
Halgan.net